Doorkii Qoyska Soomaaliyeed ee Hore iyo Kan Maanta

 


Qoyska waa laf-dhabarta bulshada. Waa halka ugu horreysa ee uu qofku ku barbaaro, wax ku barto, akhlaaqda ku dhisto, oo uu dareemo jacayl iyo garab istaag. Qoyska Soomaaliyeed ayaa ahaa mid leh qaab-dhaqan qotodheer, wada noolaansho joogto ah, iyo kala dambeyn ka muuqata. Balse maanta, isbeddello dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed, iyo tiknoolojiyadeed ayaa beddelay wajiga iyo doorka qoyska.


Qoyska Soomaaliyeed ee Hore

Qoyska Soomaaliyeed ee hore wuxuu ahaa mid weyn oo ballaaran (extended family). Waxaa ku wada noolaan jiray aabbe, hooyo, carruur, ayeeyo, awoowe, adeer, habaryar iwm. Waxaa jirey nidaam hufan oo xil-iska-saarid ah; qof walba wuxuu lahaa door muhiim ah.

  • Aabbaha wuxuu ahaa madaxa qoyska, go’aanada muhiimka ah ayuu gaarayay, wuxuuna ahaa ilaaliyaha dhaqanka, diinta, iyo dhaqaalaha.

  • Hooyada waxay ahayd udub-dhexaadka qoyska. Waxay ahayd macallinka koowaad ee ilmaha, waxayna door weyn ku lahayd tarbiyadda, nadiifinta guriga, iyo isku haynta xasiloonida qoyska.

  • Carruurta waxay baran jireen anshaxa, ixtiraamka waayeelka, iyo wada shaqeynta. Qof walba wuxuu lahaa masuuliyad.

Is-dhexgalka reeraha iyo xiriirka qaraabada wuxuu ahaa xooggan. Xafladaha, aroosyada, iyo dhibaatooyinka ayaa lagu wada jirey, waxaana jirey garab istaag dhab ah.


Qoyska Soomaaliyeed ee Maanta

Maanta, qoyska Soomaaliyeed wuxuu wajahayaa isbeddel ballaaran. Qaab-dhismeedka qoyska ayaa yaraaday, qoysaska badankood waxay noqdeen kuwa yaryar (nuclear family), oo ah aabbe, hooyo, iyo carruur keliya.

Isbeddellada ugu waa weyn ee muuqda waxaa ka mid ah:

  • Dhaqan-darro iyo kala fogaansho: Tiknoolojiyadda, baraha bulshada, iyo dhaqamada qalaad ayaa si weyn u saameeyay xiriirka qoyska. Caruurta ayaa waqtigooda ku bixinaya telefoonno, halkii ay waalidiintooda la sheekaysan lahaayeen.

  • Hooyo iyo Aabbe shaqo tagay: Labada waalidba waxay u shaqo tagaan si ay u daboolaan baahiyaha nolosha, taas oo sababtay in carruurta ay waayaan tarbaddii joogtada ahayd.

  • Kororka furiinka: Is-fahmi waaga, cadaadiska dhaqaale, iyo niyad-jabka nolosha casriga ah ayaa sababay in tirada qoysaska burburay ay sare u kacdo.

  • Waayeel la dayacay: Odayaasha iyo ayeeyada oo horay loola tashan jiray, maanta waxaa laga dhigay dad aan laga maarmin balse laga indho-tiray.


Maxaa Sababay Isbeddelkan?

  • Dagaallada sokeeye iyo qaxootinimada: Waxay kala firdhiyeen qoysas, waxayna meesha ka saareen nidaamkii dhaqameed ee xukumi jiray bulshada.

  • Tiknoolojiyadda cusub: Waxay beddeshay hab-dhaqankii isgaarsiinta, madadaalada iyo xiriirka bulshada.

  • Barbaarinta daciifka ah: Waalidiin badan ayaa ku jahwareersan is dhexgalka dhaqanka cusub iyo midkii hore.

  • Culeyska nolosha casriga ah: Sicir-bararka, shaqo la’aanta, iyo nolol raadis ayaa hoos u dhigay tayadii nolosha qoyska.


Xalka iyo Talooyinka

Si qoyska Soomaaliyeed uu u noqdo mid tayo leh oo carruur caafimaad qabta, dhaqanka suuban ku barbaarsada, waxaa loo baahan yahay:

  1. In waalidiintu waqtigooda la qaataan carruurtooda.

  2. In dib loo soo celiyo dhaqankii wanaagsanaa ee is-ixtiraamka iyo wada-noolaanshaha.

  3. In la helo barnaamijyo wacyigelin ah oo kor u qaada muhiimadda qoyska.

  4. In hooyada iyo aabbuhu yeeshaan wada-shaqeyn joogto ah iyo xiriir furan.

  5. In carruurta lagu barbaariyo anshax iyo diin, iyadoo la adeegsanayo tusaaleyn togan.


Gunaanad

Qoyska Soomaaliyeed waa tiirka ugu muhiimsan ee nolosha bulshada. Haddii qoyska la dhiso, bulshaduna waa dhisan tahay. In kasta oo waqtigu is beddelay, haddana waa suuragal in la xoojiyo xiriirka qoyska, dibna loo abuuro jawi kalgacal iyo wadajir ku dhisan.

Previous Post Next Post

Post Ads 2

Post Ads2