In aad la noolaato dadka kugu hareereesan waxa ay u baahantahay la qabsi iyo Isfahan .
Bulsho kaste oo meel kuwada nool waxaa ka dhaxeeyo Isfahan balse waxaa jira dadka qaar oo aan si fcn isku fàhmin bulshada taasna waxa ay sababataa in uu waayo qof oo la wadaago sheekooyinkiisa .
Hadaba is aad u wanaajiso isfahanka dadka kaagala dhaxeeyo dhaxeeyo halkan waxa aan kusoo gudbin doona farsamooyin lagaa rabo in aad isticmaasho hadii aad u baahantahay in aad wanaajiso isfahanka dadka kaagala dhaxeeyo .
1: in aad Kula hadashid luuqad ay fahmayaan :
Luuqada waxa ay ka mid tahay waxyaabaha horseeda in ay is fahmaan bulshada .
Hadii ay kulaan 2 qof oo kala luuqad duwan way adkaan doontaa sida ay isku fahmaan .
Hadaba isticmaalka luuqad ay fahmi karaan dadka meesha ku nool waxa ay kaa caawineysaa in aad la qabsato iyo in aad isfahantaan bulshada meesha Kula nool.
2: isticmaal erayo fudud :
Isticmaalka erayada fudud waxa ay kaa caawineysaa in aay Kula qabsadaan dadka meesha ku nool taas oo kuu fududeeneeyso in aad is fahantan dadka .
3: muuji ixtiraam :
Ixtiraamka waxa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu badan ay dadka qadariyaan .
In aad ixtiraamto bulshada Kula nool waxa ay kaa caawineysaa in aad hesho xushmad iyo tixgalin iyo in ay kusoo dhaweestan taas oo kaa caawineysa isfahnka bulshada .
4: in aad soo jiidatid bulshada :
Bulsha kaste oo meel ku nool waxa ay leedahy waxyaabo ay jecelyihiin ama ay tixgaliyaan .
In aad barato waxyaabaha waxyaabaha ay jecelyihiin kadibne aad u keento waxa ay kaa caawineysaa in aad bulshadaas is fahntaan qaab fudud .
Gabagadii isfahnka bulsho kuma xirna da, ama mansab waayo waxaa arkeysaa qof yar oo laga jecelyahay bulshada iyo qof weyn oo laga necebyahay bulshada dhaxdeeda , sidoo kale waxa aad arkeysaa qof maskiin ah oo bulshadu ixtiraamto iyo qof madax ah oo bulshadu ka jeesato
Hadaba isfahanka bulshada waxa ay kaa caawineysaa in aad noqoto qof bulshaawi ah .